Haweeney Basaasad Caan aheyd oo xabsi ay sannado badan ku xirneed laga siidaayay

Dowladda Mareykanka ayaa xabsiga kasii deysay haweeney u dhalatay dalkaasi oo la sheegay in ay aheyd basaasad weyn, waxa ayna haweeneydan xabsi ku jirtay in ka badan 21-sannadood.

Ana Montes oo 65-sanno jir ah ayaa la xiray sannadkii 2001-dii , waxa ayna haweeneydan xabsi ku jiray muddo ka badan 21-sannadood, waxaana lagu helay in ay basaas u aheyd dalka Cuba.

Haweeneydan oo aheyd falanqeeye dhinaca gaashaandhigga ayaa la sheegay in basaas u aheyd in ka badan 20-sanno dowladda Cuba, waxa ayna u gudbin jirtay xoggo sirdoon oo dhinaca ciidanka ah.

Ana Montes ayaa la sheegay xilligii la xirayay in ay qarka saarneed in ay gudbiso xoggo sirdoon oo ku aadan howlgalada Mareykanka ka fuliyo gudaha Cuba, waxaana la sheegay in xogtaasi haddii ay gudbin laheyd ka dhalan laheyd halis weyn.

Haweeneydan oo caan ku aheyd dhinaca basaasida ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd tii ugu weeneyd ay xiraan ciidamada Mareykanka, waxaan ahaweeneydan oo muddo badan xabsiga ku qaadatay hadda dib u heshay xuriyadeedii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -