Maxaa ka soo baxay Maalintii Koowaad Shirkii wadatashiga doorashada? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Macalimow isaga oo sheegay in shirka maanta uu kusoo dhamaaday maalintiisii koowaad jawi is faham islamarkaana la isugu soo laaban doono maalinta berri ah.

Afhayeenka XFS ayaa sidoo kale sheegay in inta uu socdo shirka wadatashiga qaran diirada la saarayo arrimaha muhiimka u ah doorashooyinka dalka islamarkaana ay kasoo bixi doonaan maalmaha soo socda qodobo wax ku ool ah.

“Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka” ayuu yiri afhayeenka

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka oo maalintiisii koowaad la soo xiray lagu gaaray qodobo hordhac ah oo ku saabsanaa arimaha doorashooyinka iyo caqabadihii ka jiray, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo, wax ka bedelka guddiyada doorashada, arrinta gobolada woqooyi, amniga doorashada iyo qodobo kale, iyadoo maalinta beri ah uu shirku sii wadi doono ka doodida arrimaha xalka u baahan si go’aano kama dambeys ah looga qaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -