Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa agaasimayaasha uu la kulmay ka dhageestay warbixino la xariira shaqada ay qabtaan, waxa ayna agaasimayaasha Ra’isul Wasaaraha macluumaad badan ka siiyeen shaaqada ka socota wasaaradaha ay joogaan.

Xamse Cabdi Barre ayaa faray agaasimayaasha guud ee wasaaradaha uu maanta la kulmay in ay dardar geliyaan howlaha ay Qaranka u hayaan, waxa uuna xusay in qof kasta lagula xisaabtamayo waxa uu qabto.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawwaan la filayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub, waxa uuna agaasimayaasha kula dardaarmay in shaqada sii xoojiyaan inta uu xukuumad cusub kasoo dhisayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo beri fasaxday Shaqaalaha rayidka ah (Sababta)

Caydiid Ali

Cabsi Laga Qabo ” Shutdown” Ku Yimaada Hey’adaha Dowliga Ah hadii maanta Baarlamaanka aysan …. 

Cabdi Cade

Safaaradda Mareykanka oo ka hadashay aqoonsiga DF siisay Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---