Madaxweyne Deni oo ka hadlay geerida Raisul Wasaarihii hore ee Somalia

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxaa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyoodey dalka Ingiriiska ka dib markii uu haleelay Covid-19” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa muddo dheer ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilliyadii Isticmaarka iyo dowladihii kala dambeeyey ee dalka illaa iyo 1990-kii, sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyey Arrimaha bini’adamtinimada, gaar ahaan xilligii burburka, isagoo Madax ka ahaa Hay’adda Bisha Cas, waxaana uu gacan ka geystey baahiyihii badnaa ee xilligaasi dalka ka jirey.

November, 22, 2007 Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa Madaxweynihi Soomaaliya ee xiligaas Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dowladii Ku meel gaarka aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -