Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo goordhaw u geeriyooday Caronavirus

Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in goordhaw Isbitaalka Kings College ee magaalada London ku geeriyooday Ra’iul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Ilaah ha u naxariiste Nuur Cadde ayaa maalmihii laoo dhaafay la il darnaa caabuqa Caronavirus oo haleelay, waxaana geerida Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya xaqiijiyay wiilkiisa Maxamed Nuur Cadde.

Dalka Ingiriiska ayaa noqday meesha ugu badan ee dad Soomaaliyeed ugu geeriyoodeen caabuqa Caronavirus, waxaana hada isbitaalo dalkaasi kuyaala caabuqa Caronavirus ugu jira Soomaali badan.

Nuur Cadde ayaa la filayaa in lagu aaso gudaha magaalada London maadaama ayan suurto gal aheyn in loo soo qaado Soomaaliya, waxaana inta badan xayiran isku socodka caalamka daafihiisa.

Ilaah ha u naxariistee Nuur Cadde ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya soo noqday intii u dhaxeesay 2007-dii ilaa 2009-kii, waxaana mudadii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa lagu xasuustaa waxqabad badan iyo isbadal uu ku sameeyay xaalada Muqdisho oo xumeyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -