Sacuudiga oo War cusub kasoo saaray arimaha Xajka iyo cumarada ee Sanadkan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka hadashay walaaca laga qabo in Sanadkan qabsoomi waayo xajka iyo cumrada, waxa ayna dowlada fariin u dirtay Muslimiinta kunool daafaha Dunida.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa looga  codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Cudurka Caronavirus ee dunida kusii faafaya saameyn ku yeeshay arimaha xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba.

“Sacuudiga ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,”  Ayuu yiri Wasiirka.

Warkan kasoo baxay Sacuudiga ayaa niyad jab ku aburaya dad badan oo doonayay in bisha Ramadaan Cumro u tagaan Sacuudiga iyo dad badan oo sanadkan qorsheestay in ay soo xajiyaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dawaafo Xajarul Aswadka, sidoo kale waxaa la xakameeyay dadkii ku cibaadeesan jiray labada Masjid barakeesan ee Maka iyo Madiina si looga hortago in cudurka Caronavirus ku faafo Sacuudiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -