Madasha Kulmiye Forum oo qabatay kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsan COVID-19

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsanaa cudurka halista ah ee Coronavirus iyo sidii looga hortegi lahaa, iyadoo la ogyahay dhibaatada uu caalamka ku hayo cudurkan safmarka ah.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Madasha Kulmiye (Kulmiye Forum) ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahano, dhaqaatiir iyo xubno metelayey qeybaha bulshada.

Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia iyo dhaqaatiirta dalkeena ugu caansan ayaa kulankaas ka jeediyey cashar ku saabsan halista cudurka Coronavirus (COVID-19), isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey, halka uu ka yimid Viruska sababa cudurkan, sida uu u faafo ama loo kala qaado, hababka looga hortago iyo macluumaad kale.

“Dowladaha ugu awooda badan dunida dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo Tiknolojiyada sida Talyaaniga, Spain, Maraykanka iyo wadamo la mid ah oo adeegyadooda Caafimaadka ay tayadoodu aad u sareyso ayuu cudurkan dhimasho xad dhaaf ah iyo khal-khal ku abuuray waxaana loo baahan yahay inaan cashar ka qaadano arrintaas, maadaama dalkeena uusan xamili karin dhibaatada uu geysan karo cudurkan duruufaha dhinac walba leh ee ka jira awgeed, waxaana ILAAHAY mahadiis ah in kiisaska dalkeena laga helay illaa hadda ay aad u kooban yihiin balse taas macnaheedu maaha inaan is dhigano” ayuu Prof. Dufle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed qaarkood ay aaminsan yihiin ama laga dhaadhiciyey waxyaabo aan jirin oo ku saabsan cudurkan, kuwaasoo uu xusay in haadii aan laga wacyi gelin ay dhalin karto khatar badan.

“Waxaa jira dad bulshada ka mid ah oo khuraafaad aan jirin ka aaminsan cudurkan sida inuusan ku dhaceynin dadka muslimka ah, qaarkood waxay aaminsan yihiin inuu yahay mala awaal iyo wax aan jirin, kuwo kalena waxay sheegaan in cudurkan lagu daweyn karo waxyaabo ay ka mid yihiin. Malabka, Liinta iwm, wacyi-gelinta ugu badana in kuwaas loo sameeyo ayaa wanaagsan si aysan bulshada inteeda kale u marin habaabinin” ayuu intaas ku daray dhaqtarka.

Prof. Dufle ayaa si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnihii ka qeyb galay kulankan qaarkood oo ku saabsanaa cudurkan iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaalida oo dhaqan, diin iyo cimilo ahaan ka duwan dalalka uu sida weyn u saameeyey Coronavirus.
.
“Waxaan ammaan iyo mahad celin u jeedinayaa MADASHA KULMIYE oo barnaamijkan qiimaha leh soo qaban-qaabisay, iyo dhamaan ka soo qeyb galayaashii kulankan oo aan rajaynayo iney bulshada inteeda kale la wadaagi doonaan macluumaadka la xiriira cudurkan ee kulankan ay ka kororsadeen si ay wacyi gelin ugu noqoto, iyadoo mar kasta ay muhiim tahay in la qaato talooyinka ka hortaga ah ee ay soo jeediyeen dhaqaatiirta” ayuu yiri Prof. Dufle oo bulshada kula dardaarmay ineysan khalkhalin oo ay talo saartaan ILAAHAY ayna ku dhaqmaan talooyinka la siiyey.

Gudoomiyaha Madasha Kulmiye C/llaahi Mahdi oo kulankaas soo xiray ayaa ka waramay muhimada ay kulamada noocan ah u leeyihiin wacyi-gelinta bulshada.

“Ka dib markii Madasha Kulmiye ay aragtay sida aysan bulshada Soomaaliyeed intooda badan ugu baraarugsaney halista cudurkan ayey go’aansatay iney qabato kulankan si sare loogu qaado wacyiga bulshada, waayo haddii uu cudurkan toos noo soo galo awoodii aan kula dagaalami laheyn ma hayno, fursada kaliya ee aan heysano waa inaan ka hortago inta uusan dalkeena ku faafin” ayuu yiri Gudoomiyaha oo u mahad-celiyey Prof. Dufle, iasgoo xubnihii kulankaas ka qeyb galay ugu baaqay iney bulshada u gudbiyaan aqoonta ay kororsadeen kulankan wacyi-gelinta ah.

Waxaa sidoo kale intii uu socday kulankan ka hadlay Bishaar Ibraahim Shiikh Maxamuud oo ka tirsan Howlwadeenada Madasha Kulmiye iyo xubno kale oo ku hadlay magaca aqoonyahanada ka soo qeyb galay kulankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -