Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah saldhigyada Booliska magaalada Muqdisho oo caawa la weeraray

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidniamdii weeraray xarunta saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan ay rasaas ku fureen saldhiga booliska Yaaqshiid, waxaana ka dib halkaas ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray dableyda iyo ciidankii ku sugnaa saldhigaas.

Rasaasta la isweydaarsaday oo daqiiqado kooban socotay ayaa khal khal iyo cabsi badan ku abuurtay dadka degaanka, waxayna wararku sheegayaan iney baxsadeen dableyda weerarka soo qaaday.

Labo qof oo kala ahaa qof shacab ah iyo askari ka tirsan Booliska ayaa ku dhaawacmay weerarkan oo illaa hadda aan la ogeyn cida ka dambeysay iyo waxa uu salka ku hayey.

Maamulka iyo saraakiisha amniga degmada yaaqshiid ayaan ka hadlin weerarkan oo noociisa aan mudooyinkan looga baran saldhigyada Booliska Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Runta Kharaar : Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe !

Cabdi Cade

(Akhriso) Gudoonka Baarlamanka Puntland oo ka hor yimid go’aankii Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Mucaaradka Kenya oo Shaaciyay xilliga ay dib u bilaabayaan Dibad-baxyadii ay wadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---