Qalabka looga hortago Coronavirus oo la gaarsiiyey labo dowlad goboleed (Akhriso)

Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Somalia ayaa maanta u dirtay Maamul Goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Coronavirus.

Deqdaan ayaa waxay Dowladda Soomaaliya kasoo gaartay Jack Ma Foundation oo ah maalqabeen caan ah oo u dhashay dalka Shiinaha

Qalabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku dirtay ayaa ahaa qoondadii Maamul Goboleedyada loogu talo galay qeybtii ugu dambeysay.

Dowladda Somalia ayaa horey deeqdan oo kale ugu dirtay maamulka Somaliland iyo maamulada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -