Qaad fara badan oo xalay lagu gubay fagaare ku yaalla Boosaaso (Daawo Sawirro)

Maamulka Puntland ee gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso xalay ku gubay Qaad fara badan oo si sharci darro ah loo soo geliyay magaaladaas.

Puntland ayaa joojisay qaadkii uga iman jiray dalalka deriska si looga hortago faafida cudurka Coronavirus ee ku sii faafaya dalalka deriska la ah Somalia iyo kuwa caalamka.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Amniga gobolka Bari Booliiska ayaa hawlgalo kala duwan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso, waxay ku soo qabteen Qaadkaas oo si sharci-darro ah loo iibinayay.

Taliska Booliiska Gobolka Bari, ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Amarkii mamaulku ku mamnuucday keenista iyo cunista qaadka ay ka hawlgaleen, dhaqan-gelinta Amarkaas, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus.

Booliiska ayaa sidoo kale magaalada Boosaaso ka wada hawlgallo kala duwan oo lagu sugayo Amniga magaalada kadib dilal maalmihii u dambeeyay ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -