Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa nasiibdarro ku tilmaamay hab-dhaqan cusub oo dowladda Soomaaliya lasoo baxday , taa uu sheegay in lagu kala soocanyo bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.
Sheekh Shariif ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kala soocanayaan dadka degan Muqdisho, waxa uuna xusay in ay meesha ka saarayaan qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda uu tilmaamay in si gaar ah loo beegsaday.
”Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa sidoo kale cambaareeyay in dadka ku dhaqan degmada Kaxda oo loo diidan yahay xaquuqdooda degmannimo in haddana lagu qasbayo isdiiwaan gelin hubeysan iyada oo loo adeegsanayo qoray caaradiisa.
”Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa uga digay guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda Muqdisho, oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com