Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay Nin ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka in laga helay Caronavirus

Wasaarada caafimaadka Xukuumada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay nin kamid ahaa afar qof oo dalka dibadiisa ka yimid in laga helay caabuqa Caronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay.

Ninkan iyo afar qof oo kale ayaa mudo 14-maalin ah karantiil ahaan ugu sugnaa goob gaar ah oo kutaala garoonka Aadan Cadde , waxaana ugu dambeyn Wasaarada caafimaadka dadkaasi sheegtay in ay caafimaad qabaan lana fasaxayo.

Qoraal kasoo baxay wasaarada caafimaadka oo ku qornaa luqada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ruuxii horey looga helay caabuqa Caronavirus labo mar kale oo baaritaan lagu sameeyay laga waayay caabuqaasi.

Wasaarada caafimaadka Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in sadex qof oo mid kamid ah ajanabi yahay laga helay Caabuqa Caronavirus, hasa ahaatee Hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayaan wali xaqiijin in Soomaaliya laga helay Caronavirus.

Related posts

Mowliid Maxamed Sheekh oo isku soo dhiibay Ciidanka Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Dagaalkii Laascaanood oo Maalintii shanaad sii socda (Wararkii ugu dambeeyey)

Caydiid Ali

Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo ka jawaabay eedeyntii guddiga Maaliyada golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---