Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo ka jawaabay eedeyntii guddiga Maaliyada golaha shacabka

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka uu u jeediyay Wasaaradda maaliyadda iyo Hey’addaha kale ee dowladda

Guddiga Maaliyadda baarlaamanka ayaa ku eedeeyey heyadaha dowlada qaarkood wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sanadkan.

Hantidhowraha Guud oou muuqda mid difaacaya Xukuumada federaalka ayaa walaac ka muujiyey qoraalka ka soo baxay Guddiga Maaliyadda ee u gudbay warbaahinta iyo shacabka, isagoo sheegay in dhammaan warqada Guddigu shaaciyay ay ka soo hormareen waqtigooda, isla markaana aanay jirin talo ama xog hubin ah oo ay ka soo dalbadeen xafiisyadii u idmanaa howlahan.

Hanti dhowrka ayaa ku taliyay saddex qodob oo kala ah:-

1- In dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda.

2- In hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka Maaliyadda  ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo.

3- In ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la khalqal geliyo horumarka qaranka

warka ka soo baxaya Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa ku soo aaday iyadoo maalinta berri loo balansan yahay in Baarlamaanka uu cod u qaado sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -