Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Musharax xabsi ku jira oo qarka u saaran inuu ku guuleysto doorasho Madaxweyne

Musharraxa doorashada madaxtinimo ee dalka Tunisia oo gaaray wareegii ugu dambeeyay ee doorashada isaga oo ku jiro xabsi ayaa ku guuldareystay racfaan uu qaatay.

Nabil Karoui oo 56 jir ah ayaa xabsiga la dhigay bishii lasoo dhaafay kaddib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira isdaba marin lacageed ah iyo musuq maasuq dhanka canshuur bixinta ah.

Ninkan oo meel ka gaaray xirfadda warbaahinta ayaanan loo ogoleyn inuu codeeyo balse waxaa uu gaaray wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo inay Tunisia ka dhacdo bisha dambe.

Nabil weliggiis, ma uusan qaban xil siyaasadeed balse waxaa uu sameeyay barnaamij tabarucaad ah oo uu kula dagaalamayo macluusha kaasoo kamid ahaa ololihiisa doorashada.

Dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeeyeen in barnaamijkaas iyo telefiishiinkiisa uu ku fulinayay ololihiisa siyaasadeed.

Nabil Karoui, wuxuu horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo, iyadoo Kamel Bin Mascuud oo ah qareenka siyaasigan uu sheegay in go’aanka ay si weyn uga hor imanaayaan isla markaasna ay dadaal u galayaan sidii loo sii deyn lahaa Nabil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo shaaciyey in dib loo bilaabayo wadahadalkii DF iyo Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray wiil dhallinyaro ah oo Ciidankooda ku dileen Ceelasha Biyaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---