Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay weerar ka dhacay Deegaanka Buulo Fuulay

War Saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay duqeyn khasaaro geesatay oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Buulo Fuulay ee gobolka Baay.

Duqeynta oo dhacday 27-kii bishan ayaa dowlada sheegtay in lala beegsaday xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana warkan lagu sheegay in lagu dilay duqeyntaasi labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sidoo kale shaaciyay in duqeynta ka dhacday gobolka Baay ku dileen labo xubnood oo katirsan Al Shabaab ,kadib iskaashi ay sameeyeen ciidanka dowlada iyo kuwa Mareykanka.

Dhanka kale Warbaahinta afka Al Shabaab wax ku baahisa ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday deegaanka Buulo Fuulay lagu dilay labo nin oo beeraley ah oo xiliga gantaalka lagu dhufanayay la socday mooto Dhug dhugley ah.

Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhinaca cirka ah ay la beegsaneyso Al Shabaab, waxaana duqeymihii ugu dambeeyay qaarkood la sheegay in lagu dilay dad shacab ah oon waxba galabsan.

 

- Advertisement -