Mid kamid ah Safaaraha Soomaaliya ku leedahay dalka Dibadiisa oo la xiray

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa shaacisay in shaqadii ay heesay si KMG ah u hakisay , waxaana hakinta shaqada safaarada sabab looga dhigay caabuqa Caronavirus oo ku faafaya dalka Hindiya.

War kooban oo kasoo baxay safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in safaarada ay hakisay shaqadii ay heesay ,kadib amar kasoo baxay dowlada Hindiya oo looga hortagayo in uu gudaha dalkaasi ku faafo Caronavirus.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada ay martida u yihiinĀ  ee Hindiya, si looga hortago xakamaynta caabuqa ,waxa aynba safaarada sheegtay in dadka Soomaaliyeed la wadaagi doono wixii soo kordha muddada ay Safaaradu xiran tahay.

Caabuqa Caronavirus ayaa faro ba’an ku haya wadamo badan oo caalamka katirsan, Caabuqan ayaana keenay in ay joogsadaan duulimaadyo badan oo caalami ah sidoo kale la xiro goobaha waxbarashada , ciyaaradaha iyo sidoo kale goobaha dadku isugu yimaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -