Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo cadeesay mowqifkeeda ku aadan Khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso  ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

Waxaa uu sheegay wasiir Cawad in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid la safan tahay.

“Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee inoo furan waxaa waaye inay isku soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go’aankeeda ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay saxiixday taageero Wadamada Carabta u muujiyeen dowlada Masar, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya ay arintaasi dhax dhaxaad ka tahay.

Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh dowladaha Itoobiya iyo Masar ayey ku adkaatay in dhinac la safato, waxaana Madaxda Soomaaliya go’aansadeen in khilaafkan dhax dhaxaad ka noqdaan si aysan saameyn xun ugu yeelan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo casuumad ka helay dowladaha C6+ (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo dowlad goboleed oo soo gebagebeeyey doorashadii xubnaha Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Maxamed Qanyare Afrax

Cabdi Cade
Taboola Ads ---