Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tirada dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Caronavirus oo la shaaciyay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka uu ku dhacayo iyo kuwa u dhimanaya caabuqa Caronavirus , waxaana wadamada caalamka ka socda dadaalo lagu doonayo in cudurkaasi halista ah looga hortago.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalka ugu daran uu saameeyay cudurkan faafa ee Caronavirus, waxaana shalay kaliya dalkaasi la xaqiijiyay in cudurkan ay ugu geeriyoodeen dad ku dhaw 800-oo qof.

Dadka ugu badan ee u dhintay Cudurka Caronavirus ayaa kunoolaa dalka Talyaaniga, waxaana la xaqiijiyay in Talyaaniga kaliya Caronavirus ugu dhinteen ku dhawaan 5-Kun oo qof , waxaana dalka kusoo xiga Talyaaniga noqday Shiinaha uu kasoo bilowday Cudurkan.

Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa xaqiijisay in guud ahaa dadka u dhintay Cudurka Caronavirus ay gaarayaan 12,895 oo ku kala noolaa wadamo badan oo caalamka kamid ah , halka dadka uu haleelay cudurkan gaareen 300,097 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka dowlad goboleedka Galmudug

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay dagaal xoogan oo ka dhan ah..

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda Tayo-dhowrka (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---