Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka Danab oo Janaale ka bilaabay talaabooyin ay shacabka kusoo jiidanayaan (Sawirro)

Deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose maalmo kahor waxaa dagaal kula wareegay ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ee loo yaqaan Danab.

Ciidanka ayaana maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Janaale ka waday howlgalo ay amaanka ku xaqiijinayeen, waxa ayna ciidanka deegaankaasi ka sameesteen saldhigyo iyo difaacyo adag.

Ciidanka Danab ayaana ka bilaabay deegaanka Janaale talaabooyin ay kusoo jeedanayaan shacabka, waxa ayna Ciidanka raashin iyo waxyaabo kalaba oo nolosha muhiim u ah u qeybiyeen shacabka ku sugan deegaanka Janaale.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaana ku sugnaa goob maanta shacabka deegaanka Janaale loogu qeybinayay raashin kala duwan oo ciidanku ugu tala galeen in ay ku caawiyaan shacabka danta yar ee ku dhaqan Janaale.

Shacabka Janaale gaar ahaan kuwa danta yar ayaana aad ugu farxay una soo dhaweeyay caawinaada ay u sameeyeen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya , waxa ayna ciidanka uga mahad celiyeen sida ay u garabsiinayana shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay shirkad ku guleysatay Qandaraas xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Rabshadihii ka socday France oo sii xoogeysanaya & Madaxweyne Macron oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Gaas oo kulan la qaatay guddigii xalinta khilaafaadka ee uu shalay magacaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---