Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay dagaal xoogan oo ka dhan ah..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Hamse Abdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddu ka go’an tahay dagaal xooggan oo Al-shabaab iyo Daacish looga sifeynayo qeybo kamid ah dalka.

Xamse ayaa sheegay inay bilaabayaan howlgallo wadajir ah oo lagu furayo waddooyinka degaanada muhiimka ah ee ay go’doomiyeen Al-Shabaab, si loo fududeeyo gargaarka Bini-aadam-nimo iyo isku socodka Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.

“Waxaa naga go’an in aan qaadno dagaal xoogan oo aanu kaga hortegayno Al-Shabaab, ISIS iyo ururada kale ee argagixisada anaga oo adeegsanayna hab milateri iyo habab aan milateri ahaynba,” ayuu yiri.

Xamse ayaa Madaxda Howlgalka Midowga Afrika ATMIS ka dalbaday inay ka qeyb qaataan sidii loo fulin lahaa qorsheyaasha dowladda ee Howlgallada Wadajirka ah.

- Advertisement -