Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda Tayo-dhowrka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta daah-furay shirwaynaha 1aad ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo masuul ka ah dajinta siyaasadaha, dhaqangelinta sharciyadda iyo habraacyada lagu hubinayo badqabka iyo tayada caafimaad ee cuntooyinka iyo badeecadaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo tilmaamay ahmiyadda badqabka badeecooyinka ay u leeyihiin caafimaadka bulshada iyo deegaanka, ayaa kula dardaarmay madaxda hay’adda in la ballaariyo xafiisyadooda, lana gaarsiiyo dalka oo dhan, si loo hubiyo alaabooyinka dalka soo galaya in ay yihiin kuwa munaasib ku ah in bulshada laga iibiyo.

Shirka ayaa looga hadli doonaa mudada labada casho ee uu socdo hannaanka tayo dhawrka Qaranka, caqabadaha ku gadaaman iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa hannaan mideysan oo lagu maamuli karo tayo dhawrka dalkeena, loona gaarsiin lahaa maamul Goballeedyada Dalka.

Related posts

(Sawirro) Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa oo caawa gaaray Qaahira

Caydiid Ali

Gudoonka Baarlamaanka oo Wasaarada Maaliyadda ka raali galiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda

Cabdi Cade

Baarlamaanka Ruushka oo u codeenaya arrin aysan ku farxin Waddamada reer Galbeedka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---