Masaajidada waaweyn ee caalamka qaarkood oo aan laga tukan salaada Jimcaha

Masaajidada waaweyn ee dunida ayaan laga tukaneyn maanta salaadda jimcaha, iyadoo arrintana ay qeyb ka tahay dedaalada cudurka Corona looga hortagayo inuu faafo.

Masaajidka ugu weyn Kenya ee jaamica ayaa dhawaan shaaciyay in salaadda jimcaha aan laga tukan doonin maanta.

Balse, culimada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in masaajidda aan la xireyn isla markaana haatan aysan jirin sabab loo xiro tan iyo inta xaaladda ay wax iska baddaleyso, iyagoo soo saaray tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka oo ay kamid yihiin in la xiro musqulaha iyo goobaha weysa qaadka.

Dowlada Sacuudiga ayaa hakisay salaadihii lagu tukan jiray xarameynka iyadoo maantana aan halkaas lagu tukan Jimcaha, iyadoo dalkaas laga helay kiisas badan oo la xiriira cudurka Corona ee caalamka

Waxaa salaadda Jimcaha si caadi ah looga tukanayaa masaajidda ku yaalla Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay culimada kasoo saartay arrintaas, waxaana la sheegay in qatar weyn aysan Somalia ka jirin maadaama ilaa hadda la helay hal kiis oo la xiriira Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -