Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey gobolka Lamu ee dalka Kenya

Miletariga Kenya ayaa sheegay inay dileen 12 dagaakyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen ka dib markii ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen inta u dhexeysa degaanada Korisa iyo Bargoni oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu.

Mas’uuliyiinta Gobolka Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka mid ahaa Sarkaal caan ah oo kasoo jeeda Gobolka xeebta, kaasoo taageero, warbixinno iyo taakuleynba siinayay xoogaga Al-shabaab ee gabaadka ka dhigtay kaymaha Boni.

Waxay intaa ku dareen in kooxda Al-Shabaab ay ka qabsadeen hub iyo saanad milateri oo ay ka mid yihiin saddex qori oo nooca AK-47 ah rasaas fara badan, Biyo iyo agab kale.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal kula jira kooxo ka tirsan Al-shabaab oo weeraro ka geysta gobolada Lamu iyo kan woqooyi bari Kenya, waxaana labadaas gobol iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla ay shabaabku ka geysteen weeraro dhiig badan uu ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -