Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Doorashadii ugu adkeyd oo ay ku tartamayaan 7-haween ah oo maanta dhaceysa

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta ka dhacaya doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka, waxaana kuraastaasi intooda badan yihiin kuwa loo xiray musharaxiin gaar ah.

Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa kamid ah labo kursi oo loo xiray musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdidshakuur Warsame iyo Cabdullaahi Kulane Jiis oo kamid ah saraakiisha NISA.

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb waxaa ugu adag kursiga tirsigiisu yahay Hop#053 oo ay ku tartamayaan ilaa 7-haween ah, waxaana kursigan uu yahay midka ugu adag ee lagu loolamayo.,

Kursigan ay ku tartamayaan haweenka badan ayaa dhawwaan guddiga doorashada dib u dhigeen doorashadeeda, waxaana muran kaddib guddiga doorashada fasaxeen in kursigan ku tartamaan todobada haweeen ee isku diiwaan geliyay.

Halkan ka akhriso magcayada 7-da haween ee kursigan u sharaxan

1: Raysal Qorane Abshir

2: Xaajiyo Axmed Gaas

3: Ubax Cabdi Cali

4: SamSam Xassan Diiriye

5: Farxiyo Cabdullaahi Shiikhdoon

6: Hani Cabdi Gaas

7: Fahmo Caabi Guureeye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=IGs1VGTGzTA&t=204s

Related posts

Maxkamad amartay in Shirkadda Apple bixiso lacag dhan14 Bilyan oo Dollar

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada oo Tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo looga adkaaday Doorashada Galmudug & Shaqsiyaad loo balanqaaday xilal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---