Tartan Quraan Akhris oo Muqdisho loogu qabtay 140-Macalin (Daawo Sawirada)

Bangiga Salaama Somali Bank oo Tartan Quraan Aqris ah oo socday mudo 3 maalin ah ayaa magaalada Muqdisho ugu soo gaba gabeeyay 140 Macalimiin Dugsiyada  Quraanka kariimka.

Tartan oo taaba galisay Salam Somali Bank ayaa loo qabtay 140 Macalimiin ka kale socotay Dugsiyadda Quraanka kariimka lagu barto oo ku kala yaala Gobolada Dalka oo dhan  waxaana maanta laga soo gaba gabeeyay Degaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Tartanka Quraanka Kariimka ee Macalimiinta iyo Ardeyda Quraanka baraneysa ka qeybgasha ayaa sidan oo kale sanad walba ay bangiga Salaam Somali Bank ugu qabtaan Degaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Dhammaan Macalimiinta 140 ka kooban ee tartankan loo qabtay ayaa waxay ku tartamayeen 30ka Jus ee Quraanka kariimka Xifdintiisa iyo Tafsiirkiisa.

Xubnaha ka qeybgalayay Tartankan ayaa waxaa ka Mid ahaa Madax ka tirsan bangiga Salaam Somali Bank iyo Gudi heer Caalami ah oo si weyn tartankan u maamulayay.

Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada tartankan Cabdul Baari oo ugu horeyn Xafladda lagu soo xirayay tartankan ka hadlay wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida uu tartankan ku bilowday iyo qaabka uu ku soo dhamaaday.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay Xubnaha Gudiga ee kala qeyb qaatay tartankan Macalimiinta Gobolada Dalka isaga Timid iyo Madaxdii kale ee suura geliyay qabashada tartankan.

Gudoomiyaha Guud ee Salaam Somali Bank Mudane Cabdirashiid Cali Jimcaale ayaa u hambalyeeyay guuleystayaasha tartanka quraanka kariimka isagoona sheegay in ay aad ugu dadaali doonaan sidii ay ku horumarin lahaayeen tartamada noocaan oo kale ah. Sidoo kale wuxuu dhiiri galin iyo mahad celin u diray gudgii iyo mu’sasadii soo qaban qaabisay tartanka.

Ugu dambeyn xubnaha ku soo baxay kaalmaha ee tartankan ayaa goobta lagu gudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino kale duwan oo lagu dhiira gelinayay macalimiinta taratankan ka qeybgalay.

Kaalinta 1-aad ayaa waxaa galay Macalin Cali Abdullahi Huseen waxa uu abaalmarin u helay $5,000 (shan kun oo doolar) shahaado sharaf  iyo Cumro bilaash ah.

Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay Macalin Maxamed Macalin canshuur $3,000 (saxad kun oo doolar) iyo shahaado sharaf.

Kaalinta 3-aad ayaa waxaa galay Macalin Maxamed Nuur Xasan $2,000 (Laba kun oo doolar) iyo shahaado sharaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -