Wasiir Ducaale oo si kulul uga hadlay Wararka sheegaya in ciidamo la dhigay hoyga Shiikh Shariif

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si kulul u beeniyay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegayay in dowlada Somalia ay Ciidamo dul dhigtay hoyga Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif uu ka degan yahay Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay wasiirku bartiisa facebook ayuu intaas ku daray in wararkaas ay faafinayaan rag masuuliyad sheeganaya oo ujeedkoodu yahay iney colaad iyo fitno ka abuuraan dalka.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa inay wararkaasi yihiin been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.

Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro”ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Xildhibaano mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa barahooda ku baahiyey in dowlada Somalia ay ciidamo dul dhigtay hoyga madaxweynihii hore Shiikh shariif arrintaasoo ay sheegeen iney keeno karto dhibaato cusub iyo qalalaase.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -