Dowlada oo War kasoo saartay Shan Weerar oo ka dhacay Duleedka Janaale

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo taageeraya ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM weerar dhinaca cirka ah ka fuliyeen duleedka Janaale.

Dowlada warka kasoo baxay ayaa lagu sheegtay in weeraran dhinaca cirka ah lagu dilay xubno katiran Al shabaab sidoo kale lagu wiiqay awoodii Al Shabaab ay kusoo weerari jireen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Halkan ka Ahhriso War Saxaafadeedka dowlada kasoo baxay 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka AFRICOM ee Mareykanka iyo ciidamada AMISOM ayaa shan (5) weerar oo cirka ah ku qaadey agagaarka magaalada Jannaale.

Weerarka cirka ah ayaa looga danlahaa in lagu taageero ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka intii lagu gudajiray duullaankii loo dhamaa ee kooxda argagaxisada ee Alqaacida xiriirka la leh ee Alshabaab looga xoreynayey magaalada Jannaale.

Weerarradan cirka ah ayaa lagu dilay dhawr xubnood oo Alshabab ah, islamarkaana waxaa lagu wiiqay awoodda Alshabaab kusoo weerarikaraan AMISOM iyo Xoogga Dalka. Wadashaqeyntii ka dhaxeysay AMISOM iyo Xoogga Dalka ee duulaankii lagu qabtay Jannaale ayaa muujinaya hufnaanta iyo meelmarka sida ay uga go’antahay ciidamada huwanta caalamiga ee u yimi inay jabiyaan kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo muwaadiniinteeda ay matasho ayaa aad uga mahadcelinaya taageerada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee kasoo jeeda Ugandha ee lagu xoreeyey dadka Soomaaliyeed magaalada Jannaale.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u mahadcelinaysaa geesiyadii rag iyo dumarba lahaa ee ciidanka Xoogga Dalka oo runtii muujiyey dadaal dheeri ah duulaankii Jannaale looga cayriyey kooxda dabadhilifka u ah Alqaacida ee Alshabaab.
Hubin lagu sameeyey weerarradan ayaa lagu ogaaday in aysan jirin cid shacab ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -