Xubno katirsan Al Shabaab oo iyaga oo dil fulin rabay la qabtay (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay sadex dhalinyaro ah oo qirtay in ay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaa oo la qabtay xili ay doonayeen in ay toogtay haweeney jaad iibineysay oo kamid aheyd Ergooyinkii Xildhibaanada soo doortay.

Ragan ayaa sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorsheesan ee laga fuliyo qeybo kamid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, waxa ayna sheegeen in xiligii la qabanayay ay doonayeen in ay dilaan haweeney balse biskoolada u dhici weysay .

Haweeneyda ka bad baaday dilka ragan u geesan rabeen oo ah hooyo heesata 7-caruur ah kana ganacsata Jaadka ayaa u mahad celisay laamaha amaanka, waxa ayna dalbatay in ragaasi cadaalada la marsiiyo.

Waxa ay sidoo kale hooyadan sheegtay in nolosheeda halis ku jirto ayna ku adagtahay in caruurteeda u shaqeyso, waxa ayna sheegtay in ninkeeda uu yahay askari aan waxbo heysan, waxa ayna baaq u dirtay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Raga Ciidamada amaanka soo bandhigeen ee qirtay in Al Shabaab katirsan yihiin oo ku qaraaban jiray mooto bajaaj ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin,  Shuceyb C/llaahi Xaaji ,Ismaaciil Maxamed Aweys iyo Maxamed Cusmaan Macalin .

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax oo ka hadlay goobtii ragan lagu soo bandhigay ayaa u mahad celiyay ciidamada amaanka, waxa uuna sheegay in ragan dilal badan ka fuliyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Kooxaha hubeesan ee dilalka qorsheesan ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka baxsan jiray gacanta laamaha amaanka, waxaana ragan hada lasoo qabtay la fialyaa in lasoo taago Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -