Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay gaari lagu rasaaseeyay Muqdisho (Sawirro)

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay degmada Hiliwaa gaar ahaan agagaarka Isbitaalka SOS.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askari katirsan ciidanka dowlada rasaas ku furay gaari caasi ah ay la socdeen dad aroos ka yimid, waxaana rasaastaasi ka dhalatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo Haweeney ah ayaa ku dhimatay rasaasta lagu furay gaariga shacabka, waxaa sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay lix qof oo kale oo kamid ahaa dadkii gaariga la socday.

Maamulka degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin rasaasta lagu furay dadka shacabka ah ee dhalisay khasaaraha isugu jiro dhimashada iyo dhaawaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -