Rooble & danjire Larry Andre oo kormeeray hoolka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa maanta kormeeray hoolka weyn ee teendhada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasoo lagu wado inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha JFS, marka ay soo idlaato doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Guddoonka labada aqal.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku soo wareegay hoolka iyo xafiisyada ku dhex yaalla.

RW Rooble iyo danjiraha ayaa waxaa halkaas warbixin ku siiyey howlwadeenada gacanta ku haya hoolka weyn ee teendhada Afisyooni, kuwaasoo sheegay in goobtaas ay diyaar u tahay doorashada madaxda sare ee dalka.

Hoolka weyn ee teendhada Afisyooni waxaa lagu qabtay doorashadii uu ku soo baxay shan sano ka hor Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo lagu wado in sanadkan lagu qabto doorashada xigta ee Madaxweynaha iyo gudoonka labada aqal.

 

- Advertisement -