Lacagtii Shilin Soomaaliga Qaarkeed oo Afka baarkeeda ku soo Hartey !!

Saakey ayaa Gabar aan Deris nahay oo Teleefon kula hadleyso Gabadheeda si ay reerka ugu soo adeegto ayaa waxaan aad ula yaabey Iyadoo leh Boqol Shilin oo Kabsar ah, Boqol Shilin oo jeex Basal ah ,  100 Shilin Basbaas  ah,Shan Boqol  Shilin  oo Liin ah, iyo Shan Boqol Shilin Baradho ah

Markii ay  adeegii ay dhameysey baan ku iri “Faadumooy sidee wax u jiraan maanta waan kuula yaabey markaas bay tiri “ oo sidaa ayaa iila  yaabtey” waxaan ku iri “Waxaan kaa Maqlayey Lacag waa hore iigu dambeysey Maqalkeeda oo ku adeeganeysid ” Markaas bay tiri” Waa Runtaa waxaan kuu sheegayaa in Lacagtaas aan tirinayey  ku  soo hartey Afka oo keliya una eg tahay  u Niyeeso.

Waxaan weydiiyey Hadii jajab soo Haro marka la isku daro adeega maxaa la sameynayaa “Inta Qososhey bay tiri “ Tusaale  Hadii Laba Baqol Shilin  ku soo harto laba  ayaa kuu furan mid in aad  Deyn ku lahaatid Islaanta Khudaarta si Beri marka la gaaro laguugu Xisbaabiyo, hadii aad Diidid daynta waxaa lagu leeyahay Laba Boqol oo shilin baa Kunkii kaaga soo harey ee ku qaado Xawaaji ama wax ay goyso Labadaas Boqol  .

 

Sidoo kale waxaan weydiiyey waxaan kaa maqley waa Boqol Shilin iyo Shan Boqol marka kuwii kale sida 5 tii, 10-kii Shilin, 20 Shilin iyo 50 Shilin maxaa loogu adeegan waayey markaa iyadoo qaylineyso  ayey Tiri “ Walaalkeygiiyow Haweenka Khudaarta waa dadaaleen hase yeeshee waxaan kuu sheegayaa hadii aanu isbedel imaan in iyana la weyn doono kuwa maanta Afka keliya ku soo harey oo weli Maqalkoodii uu ku dambeeyo Haweenka ka Ganacsada Khudaarta”

Waxaa ka sii yaab badan Gabadha adeega loo diryo ma garaneyso Lacagahaan Afka la isku marsiinayo waayo marka ay soo adeegto ayey hooyo u sheegtaa Lacagta  soo hartey ee islaanta Khudaarta ku leedahay waxay ahayd in Haweenka Soomaaliyeeed  ay baraan Caruurta Lacagahaas si hadhow ay u ogaadaan in lacagaatn ay tahay lacag  ay leedahay ummada Soomaaliyeed oo la waayey inteedii badan waqtigii dagaalada sakeeyo

Runtii waa wax aan aad ugu farxay in aan Maanta aan maqlo in Lacagtii Jajabka ee Shilin Soomaaliga oo lagu adeeganayo qaarkeed iyadoo la niyeysanayo Xisaabteeda  marka waxaan ilaah ka baryayaa in Lacagteenii ay dib u soo laabato  waayo mid ka mid ah Ataamaha lagu garto Qaranimada  maanta dalkii waxaa wax lagu iibsanayaa ama lagu adeeganayaa lacag wadan kale leeyahay  waxaan soo jeedinayaa in Haweenka iibiya Khudaarta in Abaal marin  la gudoonsiiyo waayo weli Haweenkaas  waxay Af ahaan u hayaan Lacagtii Shilin Soomaaliga

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -