Jilaa Caan ah oo qaba gabar Soomaaliyeed oo laga helay Caabuqa Caronavirus

Caabuqa Caronavirus ayaa kusii baahaya qeybo badan oo wadamada caalamka kamid ah, cudurkan ayaana haleelaya qeybaha kala duwan ee bulshada sida Madaxda, hantiilayaasha , dadka caanka ah iyo waliba dadka caadiga ah .

Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain qabana gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saabiriina Dhoore ayaa xaqiijiyay in laga helay cudurka Caronavirus kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyay.

Muuqaal uu jilaaga soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku xaqiijiyay in laga helay caabuqa Caronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay, waxa uuna sheegay in hada xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay.

Idiris Elba ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu hada ku jiro xaalad karantiil ah, waxa uuna xusay in  xaaskiisa Sabriina Dhawre aanan wali laga baarin cudurka Caronavirus isagoona xusay in xaaladeeda ay wanaagsantahay.

” Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo” ayuu yiri Elba.

Caabuqa Caronavirus ayaa kusii faafaya wadamo badan oo kuyaala Caalamka gaar ahaan Qaarada Yurub, waxa uuna cudurkan haleelay dad badan oo caan ah sida Cayaartoy, Siyaasiyiin, aktaro iyo fanaaniin.

 

- Advertisement -