Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo Shir Deg deg ah yeelanaya iyo Taliyaha NISA oo laga yaabo in …

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo axad ah isugu yimaadana shir aan caadi aheyn oo looga arinsanayo arimo xasaasi ah oo taagan sida aan wararka ku helnay.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xalay fariin qoraaleed u diray golaha Wasiirada, kuwaa oo lagu wargaliyay in ay kasoo qeyb galaan shirka golaha Wasiirada oo dhacaya 2:da Duhurnimo.

Shirkan golaha Wasiirada oo ah mid aan caadi aheyn ayaa wararka qaar sheegayaan in suurto gal tahay in Wasiirada ku ansixiyaan Taliyaha Hay’adada NISA iyo kuxigeenkiisa sida horey ugu heshiiyeen Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa shirkooda caadiga ah yeelan jiray maalinta khamiista ah, hasa ahaatee sababo aan la shaacin ayuu u baaqday shirkii ay golaha Wasiirada yeelan lahaayeen khamiistii hore .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo culus oo ka dhex qarxay dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhariso) Shuruudaha ka mid noqoshada Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Taliska Booliska oo faahfaahiyey weerarkii hotel SYL & khasaaraha ka dhashay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---