Fadeexo lasoo daristay Xildhibaanka ugu awooda badan Baarlamaanka dalka Kenya

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxaa lasoo darsay fadeexo la xariirta in raashin dhacay u qeybiyay caruur agoon ah oo ku xareesan xarun kutaala magaalada Gaarisa.

Wargeyska Daily Naiton ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Xildhibaan Aadan Barre Ducaale lagu eedeeyay in raashin dhacay u qeybiyay caruur agoon ah oo ku jira xarun lagu xanaaneeyo  .

Waxa uu sheegay Wargeyska in ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa dambi baarista ay u yeereen Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamanaka Kenya si ay su’aalo uga weediiyaan raashinka dhacay ee lagu eedeeyay in uu caruurta agoonta u qeybiyay.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay in raashin dhacay u qeybiyay caruur agoon ah, waxa uuna Xildhibaanka warkaasi ku tilmaamay mid dano kale laga leeyahay.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa 15-sano kadib booqday xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah oo kutaala magaalada Gaarisa, waxa uuna halkaasi geeyay raashin kala duwan oo caruurta ugu deeqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -