Wararkii Ugu Dambeeyay Wadahadalo u socday Madaxweyne Deni iyo Kuxigeenkiiisa

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday waan waan laga dhax waday Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo khilaaf meel xun gaaray uu soo kala dhax galay.

Khilaafka labada masuul ayaa meel sare gaaray markii Madaxweyne kuxigeenka Puntland shaaciyay in isagu Puntland Madaxweyne kasii yahay uuna u fasaxayo dastuurka maadaama Siciid Deni ka maqnaa deegaanada Puntland kuna sugnaa Muqdisho.

Axmed Karaash ayaana soo saaray wareegtooyin uu xilalka uga qaaday wasiiro aad ugu dhawaa Madaxweyne Deni iyo masuuliyiin kale, waxaana dhaqan galka wareegtada Axmed Karaash buriyay kana horyimid Madaxweyne Deni.

Xildhibaano katirsan Baarlamanaka Puntland iyo Isimo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waan waan ka dhax waday Deni iyo Karaash, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in hada la isku soo dhaweeyay labada masuul meel fiicana uu marayo wadahadalka.

Madaxweyne Deni ayaa Puntland wali ka maqan tan iyo markii uu soo aaday Muqdisho uu u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya , waxa uuna Deni maanta kasoo laabanayaa safar uu ugu maqnaa dalka Kenya maalmihii lasoo dhaafay.

Xubnaha wadahadalka garwadeenka ka ahaa ayaa ku qanciyay Axmed Karaash in uu soo dhaweynta Madaxweynaha qeyb ka noqdo lana sii dhameestiro heshiiska lagu xalinayo khilaadka kala dhaxeeya Deni marka uu madaxtooyada ku laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -