(Sawirro) Qoorqoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb & doorashada oo..

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid Labada Gole ee dowlada maamulka caasimada iyo masuuliyin kale.

Wafdiga madaxweynaha oo sidooo kale uu ka mid ahaa Gudomiyaha Barlamanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa magaalada Muqdisho kula soo yeeshay wadatashiyo ku aadan doorashada madaxda sare ee dalka iyo wakilada beesha caalamka.

Doorashada kuraastii ugu adkeyd ee golaha shacabka ayaa la filayaa iney todobaadkan ka dhacaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. sida ay sheegeen Guddiga doorashada Galmudug oo horey u shaaciyey jadwalka doorashada.

- Advertisement -