Madaxweyne Deni oo Eedeymo culus u jeediyay Dowlada federaalka Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi oo deni aya khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka wadagashiga Puntland ee maanta ka furmay magaalada Garoowe.

Khudbada madaxweynaha oo u badnayd dhaliil iyo tabasho dowladda federaalka ayaa sidoo kale uu ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Puntland soo martay 21 sanno ee ay jirtay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Ajendaha shirka garoowe uu yahay sidii looga tashan lahaa wadadadii Puntland ku socotay 21 sanno ee la soo dhaafay iyo sida laga yeelayo xiriirka dowldda federaalka iyo Puntland oo aan wanaagsanay, islamarkaana si mug leh loo qiimeeyo marxaladihii la soo maray, jihaynta mustaqbalka iyo aayaha Puntland.

““mudadii uu maamulkan xilka hayay waxaanu xooga saarnay, inaanu ku qancino madaxda DFS in xal laga gaaro khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, sidaas si la mid ah waxaanu Wada xaajood kala yeelanay sidii xal loogu heli lahaa caqabado gooni ah oo Puntland uga imaanayay Dowladda Federaalka Somaliya, dhammaan isku dayadaas wax natiijo ah ma dhalin, intooda Badan waxay ka socon waayeen dhinac dowladda federaalka” ayuu yiri madaxweyne deni

” Waxyaabaha ugu muhiimsan oo la isku khilaafsan yahay waxaa ka mid ah madaxda Dowladda Federaalka oo si bareer ah u hareer maray mabaadii’dii lagu dhisay dowlada federaalka oo ay ugu horrayso federaalaynta dalka, iyagoo si ula kac ah u raba inay u maroorsadaan dhammaan awoodaha dalka si aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, burburinta, faragelinta,afduub iyo caburin sharci darro ah oo lagu hayo arrimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah  taasi oo Halis ku ah nidaamdka dalka iyo dadka” ayuu yiri Deni.

Wuxuu ku eedeeyay in dowladda federaalku ayan ahmiyad siinim arrimaha ay ka mid yihiin dhamaystirka Dastuurka, la dagaalanka argagixisada, dhismaha ciidan leh sumcad qaran iyo diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta taasi oo loo marayo ayuu yiri wado toosan oo heshiis lagu yahay.

Eedaymaha kale ee uu madaxweyne deni u soo jeediyay Madaxda dowladda Federaalka waxaa ka mid ah inay samasyteen sharciyo dano gaar ah laga leeyahay oo aan waafaqsanayn dastuurka kumeel gaar ah, islamarkaana aan tashi lagala samayn maamulada  dalka.

“ Dhammaan deeqihii caalamiga ah ee soo maray Dowladda Federaalka waxay noqdeen  kuwo Aan si hufan loogu qaybin dadka Soomaaliyeed, inta badan loo isticmaalay arrimo siyaasadeed” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne deni waxaa uu sheegay inaysan suurtagal ahayn in dowladda Puntland ay iska daawato oo ayan waxba ka oran iyadoo madaxda dowladda federaalku ay ka leexdeen mabaa’diidii lagu dhisay dowldda federaalka

”In Dib loo eego Xiriirka dowldda Federaalka iyo Puntland, Suurtagal ma aha, in dowldda federalka ka leexato mabaadiidii loo asaasay dowlada Federaalka, dasuurka kumeel gaar aha , diidaan wadatashi, burburin iyo faragelin joogta ah ku sameeyaan, dowladihii xubnaha ka ahaa dowladda federaalka , diidaan qaybsiga deeqaha caalamiga ah, samaystaan shuruuc iyo xeerra, innagu sidaas ku daawadano” ayuu yiri Deni.

Gabababadii, Madaxweyne deni wuxuu ku baraarujiyay Dhammaan ka soo qaybgalayaashii, gaar ahaa madaxdii iyo xildhibaanadii ka socday dowldda Federaalka ee ka qaybgalay shirka in si wadajir ah looga tashado oo xal loo raadiyo caqabadaha Puntland ka haysta gudaha iyo dibad.

by: 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -