Qeyb Muhiim ah oo lagu kordhiyey xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyay Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe.

Qeybaha xariga laga jaray waxaa ka mid ah Guryaha Qoysaska Ciidanka Asluubta, waxaana sidoo kale uu xariga ka jiray qeybta dumarka ee Xabsiga Garoowe.

Daah-furkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehilinayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen, Cali Nuur Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Aamino Cismaan Xaaji ,Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Ku- xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha WFP iyo UN-OCHA, kuwaasoo door weyn ka gaystay gurmadka dadkii ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland.

Kulanka Waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gamadiid iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -