Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo xil u magacaabay nin Seedigiis ah !! (Akhriso Digreeto)

Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa wareegto uu soo saaray xilka Agaasimaha guud ee ilaalada xeebaha dalka ugu magacaabay nin seedigiis ah.

Wasiir Ducaale ayaana ka qaaday xilka agaasimaha guud ee ilaalada xeebaha gabadha lagu magacaabo Muntaziyah M Jimcaale, kadib khilaaf la sheegay in uu ka dhashay mashruuc ay bixisay gabdhaasi agaasimaha aheyd .

Agaasimaha Guud ee ilaalada xeebaha ayuu u magacaabay Wasiirka Amniga nin lagu magacaabo Cali Cosoble oo la dhashay xaaska Wasiir Islow, agaasimahan cusub ayaa sidoo kale la dhashay Xildhibaan C/Qaadir Cosoble oo kamid ah siyaasiyiinta Mucaaradka.

Masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa la sheegaa in xilal u magacaabaan dad qaraabo iyo xidid la ah, waxa ay sidoo kale masuuliyiinta qaar mashaariicyo kala duwan siiyaan dad ehel iyo xidid la ah iyaga isticmaalaya awoodooda.

Halkan ka Akhriso Wareegtada uu Wasiir Islow ku magacaabay Seedigiis

 

Related posts

War-Saxaafadeed laga soo saaray Shir looga hadlay Hogaan xumida ka jirta Hirshabeelle (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nusrat ghani oo sheegtay in Xilkeeda Wasiirnimo ku weysay Islaanimo !

Cabdi Cade

Ina Raggow “ Dumarka maa dulmiga ka deysaan”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---