Ciidamo kala dhex galay dagaaladii ka socday degaanka Kaxandhaale

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa ugu dambeyn kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo maalmahan ku dagaalamayey deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ku baxay colaada Kaxandhaale  ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana saaka degan xaalada degaankaas oo dagaalo culus ay ku dhexmareen labo maleeshiyo beeleed maalmihii la soo dhaafay.

Waxaa la aasayaa weli dadkii ku dhintay dagaal beeleedka halka dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaallada aaggaasi.

Dadka ku nool Kaxandhaale waxay sheegeen in saaka rasaas goos goos ah mararka qaar laga maqlayay halkaas inkastoo dagaalo toos ahaysan jirin.

Degaanka uu ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa maalmihii u dambeeyay ku soo noqnoqday dagaal beeleedyada, waxaana la sheegay in lagu muransan yahay dhul dhaaqsimeed ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay dagaalkaas halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -