Darawal Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa mooto bajaaj ayaa saaka lagu dilay agagaarka daarta Sei biyaano oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in nin hubeysan oo watay gaari yar uu si bareer ah u toogtay darawalka bajaajlaha oo xiligaas ku guda jiray shaqo maalmeedkiisa caadiga ah.

Dilka ka hor labada nin ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay muran la xiriira ciriiri iyo jaam ka jiray socodka wadada, waxaana ka dib ninka watay gaariga yar uu la soo baxay bastoolad isagoo si bareer ah u toogtay darawalka bajaajlaha ah.

Wararka ayaa sheegaya in darawalka bajaajlaha loola cararay isbitaalka Madina oo halkaas ku dhow, isagoo daqiiqado ka dibna geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday ninkii toogashada geystay.

Ciidamada amniga oo goobta soo gaaray bilaabeen howlgal ay ku baadigoobayaan si gacanta loogu soo dhigo, inkastoo aysan suuragaelin weli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -