Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo u mahad celiyay Dowlada Mareykanka (Daawo Sawirro)

Madaxweynahaa Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Kulanka Axmed Madoobe la qaatay Danjire Donald Yamamoto ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay siiso maamulkiisa gaar ahaan mida  Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Axmed Madoobe oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in kulamo kale la qaato qaar kamid ah wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya uuna kala hadlo arimaha doorashada iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Related posts

Xildhibaanada golaha Shacabka oo loo qeybiyay hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal & qaraxyo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta safaro uga baxaya Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---