Faahfaahino ka soo baxaya iska hormaad ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Faahfaahino ayaa ka soo baxay iska horimaad maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh geystay.

Iska horimaadka ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ayaa dhexmarey ciidamo ilaalo ka ah dhul la qorsheeyey in laga dhiso Garoon Dayuuradeed iyo dad hubeysan oo sheeganaya inay dhulkaasi leeyihiin.

Hal ruux ayaa la xaqiijyey inuu ku dhintay iska horimaadkan halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegay in qofka dhintey in dadka dhaawacmayba ay ka tirsanaayeen dadka sheegtey inay leeyihiin dhulkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaarey halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana dad ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay sheegeen in dadkii hubeysnaa ee sheeganayay inay dhulka leeyihiin ay dib u laabteen.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa haatan degan iyadoo dadka qaar ee ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay cabsi dareemeen intii uu socday iska horimaadkan oo illaa hadda uusan ka hadlin maamulka Puntland ee gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -