Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Abiy Ahmed oo lagu casuumay kulanka Farmaajo & Uhuru Kenyatta

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, dowlada Kenya ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku casuuntay kulanka la filayo inay magaalada Nairobi ku yeeshaan dhowaan Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, Uhuru Kenyatta iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang oo Arbacadii booqday Addis ababa ayaa casuumada gaarsiiyey RW Abiy Ahmed.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya diblomaasiyiin ka tirsan dowlada Kenya ayaa qoray in la doonayo kulanka Uhuru iyo Farmaajo in loo bedelo Saddex geesood ah, iyadoo RW Abiy la siinayo door dhexdhexaadin ah.

Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuusan weli ogolaan casuumada ay Kenya u dirtay, lamana oga go’aanka uu ka qaadan doono.

RW Abiy Ahmed ayaa door muuqda ku leh arrimaha geeska Afrika, isagoo si dhow ula socda khilaafka hareeyey xiriirka dowladaha Somalia & Kenya oo labadaba saaxiib dhow la yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan tirada lacagta la siiyay Xildhibaanadii kalsoonida kala noqday Kheyre

Cabdi Cade

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Sargaal sare oo katirsan NISA !!

Cabdi Cade

Labo nin oo lagu dilay isgoys ku yaalla Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---