Allbanaadir.com
NEWS

Qof qaba Caronavirus oo lagu arkay Muqdisho iyo Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay

Cudurka sida daran ugu faafaya Caalamka ee Caronavirus ayaa la xaqiijiyay in uu soo gaaray Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho , waxaana cudurkan lagu arkay qof ka yimid dalka dibadiisa oo dhawaan lagu kariintiilay goob gaar ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya Fowsiya Abuukar Nuur oo Goordhow Warbaahinta la hadashay ayaa shaacisey in qofkii ugu horeeyey ee qaba caabuqa Caronavirus ay ku haayaan Muqdisho.

Fowsiya ayaa sheegtay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibadiisa ay maalmahaan ku haayeen goob karaantiil ah laguna sameeyay baaritaan laga helay cudurka Caronavirus.

Waxaa ay sheegtay Wasiirada in baaritaano la marsiinayo dadka kale ee ka yimid wadamada cudurkan sida weyn uga jiro ee lagu sameeyay karaantiilka , waxa ayna cadeesay in wasaarada sameyn doonto dadaal kasta oo cudurkaasi looga hortagayo.

Wasiirka ayaa Shacbaka Soomaaliyeed ugu baaqdey in Wasaarada Caafimaadka ay gacan ka siiyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka hortaga Cudurka Caronavirus oo dhibaatooyin badan ku haaya wadamo kamid ah Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka oo yeelanaya kulan Xasaasi ah iyo xogta arrimaha looga hadlayo kulanka

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Rooble oo qaabilay Dr. Multaq Alqahtani iyo wafdigii uu horkacayey

Caydiid Ali

Qorax Madoobaad laga arki doono meelo badan oo caalamka ku soo wajahan & Somalia oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---