Nin la kulmay Madaxweyne Donald Trump oo laga helay cudurka Coronavirus

Dowlada Brazil ayaan shaacisay in Xoghayaha warfaafinta madaxweyne Jair Bolsonaro ee dalka Brazil, Fabio Wajngarten laga helay cudurka Coronavirus.

Ninkan ayaa ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey madaxweynaha Brazil oo booqday Mareykanka dabayaaqadii bishii hore ee Febraayo, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey sawir isagoo dhinaca taagan madaxweyne Trump.

Fabio Wajngarten ayaa sidoo kale la casheeyey madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, gabadha Trump ee Ivanka Trump iyo seygeeda Jared Kushner, kuwaasoo haatan dhammaantood xaalaadooda caafimaad ay su’aal ka taagan tahay.

Arrintan ayaa xoojineysa shakiga laga qabo in Trump laga yaabo in isna cudurka uu ku ku dhacay oo aan weli la ogeyn maadaamauu diiday in la baaro.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus, inkasta looga cabsi qabo xiriir la sameeyey dad cudurkan uu saameeyey.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir u joogay qof laga helay cudurka markii dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -