Aadan Madoobe oo booqasho ku tagay Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclear-ka (CTBTO) oo ah hay’ad ay ansixiyeen 1996kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay markaas oo ay saxiixeen 186 dal taas oo afar wadan oo Soomaaliya ku jirto aynaan ka mid aheyn.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa waxaa xarunta hay’adda ku soo dhoweeyay madaxa ugu sarreeya hay’adda Mudane Robert Floyd kaas oo warbixin guud ka siiyay shaqada hay’adda iyo sida ay muhiim ugu tahay ka mid noqoshada dal walba.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sharraxaad laga siiyey faaidooyinka ay ka heli karto Soomaaliya oo laga tilmaamay in digniinadda tsunnaamiga iyo xogaha ku saabsan shucaaca iyo wasakhda hawada ee ay sababto tijaabada nuclear-ka iyo sidii looga badbaadi lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa boggaadiyey sida ay u socoto shaqada hay’addan isla markaana sheegay in hay’addaan muhiim u tahay badbaadada adduunka iyo ka hor taga waxyeelada nuclear ka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in laga faa’ideysto shaqooyinka muhiim ah ay qabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -