Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

 Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk oo goordhaw ka bad baaday Weerar lagu dili rabay

Ra’isul Wasaaraha dalka Sudan Cabdalla Xamduuk ayaa goordha ka bad baaday weerar culus oo la doonayay in lagu dilo xili kolonyo galbineysay marayeen wado kutaala magaalada Khartuum .

Qarax culus ayaa lagu weeraray kolonyadii galbineysay Ra’isul Wasaaraha Sudan, waxaana la sheegay in Mr Xamduuk uu ka bad baaday weerarkaasi la doonayay in lagu khaarajiyo sida uu baahiyay telefishinka Qaranka Sudan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa weerarka kadib loola cararay goob amaan ah sida ay xaaskiisa xaqiijisay, waxaana weerarkan ka dhacay magaalada Khartuum la sheegay in uu ka dhashay khasaaro.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan la doonayay in lagu dilo Ra’siul Wasaaraha dalka Sudan, saraakiil katirsan dowlada Sudan ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxan.

Waxii warar kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Salaamu Laahi Sanbaloolshe  “Danyar iyo Dacasley Allaa u Maqan”

Cabdi Cade

Duqeyn Maanta ka dhacday Jilib iyo Milatariga Mareykanka oo War kasoo saaray

Cabdi Cade

Sacuudiga oo joojiyay in Viisaha Cumrada siiyo 14 dal oo Afrikan u badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---