Qofkii ugu horeeyay oo Cudurka Caronavirus ugu geeriyooday qaarada Afrika

Dalka Masar oo kamid ah wadamada Afrika ee laga helay caabuqa Caronavirus ayaa halkaasi waxaa ugu geeriyooday qofkii ugu horeeyay, waxaana jira dad kale oo caabuqaasi la il daran oo xarumaha caafimaadka la dhigay.

Nin 60-sano jir ah oo u dhashay dalka Jarmalka oo qaab dalxiis ahaana ugu tagay dalka Masar ayaa noqday qofkii ugu horeeyay oo la xaqiijiyay in caabuqa Caronavirus ugu geeriyooday Qaarada Afrika .

Sida ay tabinayaan Warbaahinta dalka Masar ninkan u geeriyooday caabuqa Caronavirus ayaa la sheegay in uu diiday in la geeyo qeybta lagu karantiilo bukaanada qaba caabuqa Caronavirus.

Dalka Masar ayaa noqday wadanka ugu badan ee lagu arkay cudurka Caronavirus wadamada Qaarada Afrika, waxaana hada sii kordhaya wadamada Afrika ee laga helayo Cudurka halista badan ee Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -