Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn Maanta ka dhacday Jilib iyo Milatariga Mareykanka oo War kasoo saaray

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa maanta oo talaado ah duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe.

War kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa duleedka Jilin.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay xubin katirsan Al Shabaab oo magaciisa la shaacin, waxaana taliska Mareykanka ee Afrika sheegeen in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka.

Dowlada Mareykanka ayaa xoojisay duqeymaha diyaaradahooda ka fuliyaan deegaanada ay Al Shabaab ka maamulaan qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana duqeymahaasi khasaaro kasoo gaaraan dad shacab ah iyo xubno katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

DEG DEG: Farmaajo oo goor dhow khudbad u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Jocob Zuma oo goordhaw is casilay

Cabdi Cade

Mareykanka iyo kooxda Taliban oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Daawo Sawiiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---